Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
” Rag Tashaday, Cir Tararay waa Toli karaan Taako labadiise”
13-kii dhallinyarada ahaa ee unkay Xisbigii SYL,waxay ku tashadeen, in ay dalkooda gobanimo gaarsiiyaan. Waana ku guulaysteen. Wadidii ay u mareen guushaas, iyo duruufihii adkaa oo ka horyimid, qaar ka mid ah ayaan qormadaan, ku soo qaadanayeynaa.
Dagaalkii 2aad ee dunida oo socday intii u dhexeyaysay 1939-1945,dhammaadkiisii waxaa dalalka Afrika iyo Asia ka soo shaac baxay dhaqdhaqaayo gumaysi diid ah, oo doonayey in ay dadkooda iyo dalalkooda gobanimo gaarsiiyaan. Umadda Somaliyeedna waxay ka mid ahayd, dadyowgaas uu aadka u saameeyey baraarugaas siyaasadeed.
Iyada oo arrintaas laga ambaqaadayo ayaa 15kii MAy,sannadkii 1943dii, waxaa kulan isugu yimid Degmada Xamar-weyne, 13 dhallinyaro Somaliyeed ah. Waxayna kulankoodaas kaga dhawaaqeen in ay samaysteen Naadi dhallinyaradu isugu timaaddo, oo ay u bixiyeen Somali Youth Club (SYC). Isla markiiba dadweynaha Somalidu si weyn ayey u soo dhoweeyeen ujeedooyinka Naadiga Dhallinyarada Somalida. Naadigu wuxuu laamo ka furtay dhulka Somalidu ay degto oo dhan. Saddex sano kadib tiro koob la sameeyey waxaa Naadiga Dhallinyarada Somalida xubno ka ahaa 1946dii 25,000 ee xubnood.
Madaxdii Naadiga Dhallinyada Somaliyeed, ee (SYC) saddex sano oo abaabul iyo baraarujin ah kadib, waxay garwaaqsadeen in la soo gaaray wakhtigii si toos loo gudageli lahaa halgan siyaasadeed oo gobanimo doon ah.. Waxayna madaxdii Naadiga Dhallinyarada Somaliyeed, fadhi ay yeesheen,1dii April 1947 ,kaga dhawaaqeen in ay samaysteen, beddelkii SYC, Xisbi Siyaasadeed oo cusub oo magaciisa la yiraahdo Somali Youth League (SYL).Wixii maalintaas ka dambeeyeyna, xisbiga magaciisa waxaa loo yiqiin, oo uu ku caan baxay SYL.
Go’aanadii ka soo baxay, fadhiga 1aad ee xisbiga SYL, waxaa ka mid ahaa:
1. In magacii SYC lagu beddelo SYL. 2. In taariikhda asaaska xisbigu ahaato, sidii hore oo ah 15ka May 1943dii ay ahayd.
3.In xeerkii SYC, lagu beddelo xeerka cusub ee xisbiga SYL. 4. In xubnihii naadigii hore ee SYC, ay toos xubno uga noqdaan
Xisbiga SYL, iyada oo aan waxba iska beddelin, sidii ah lambaradooda iyo magacayadoodu u kala horeeyeen.Waxayna weli sii sidanayaan waraaqahoodii aqoonsiga ee SYC siisay, inta Xisbiga SYL ka diyaarsanayo warqado aqoonsi oo cusub. Ujeeddooyinkii Xisbiga SYL waxaa ka mid ahaa:
a) In la mideeyo Somalida oo dhan, gaar ahaan dhallinyarada. Lana suuliyo dhaqamada gaboobay oo sii jiri taanka ummaddaSomaliyeed halista ku ah, oo ay ka mid yihiin: Isirsooca,qabiilka, reer-reerka, iyo khilaafka dariiqooyinka diinta ka dhex dhasha. (b) Dhallinyarada in la baro eeilbaxnimada casriga ah ee adduunka, loona furo dugsiyo waxbarasho iyo xarumo dhaqanka Somalida kor loogu qaado, in dalka oo dhan lagu faafiyo. (c) In la dabargooyo, iyada oo loo marayo dastuurka iyo shuruucda, wax kasta oo wax u dhimaya sharafta iyo danaha ummadda Somaliyeed. ( d) iyo In la qoro Af Somaliga.
Maalmihii halganka kharaar la isaga horyimid.
Bishii 6dii January ee sanadkii 1948dii waxaa Xamar yimid,wefti xaqiiqo-raadis ah, oo ka kooban afarta dawladood oo kala ahaa:Ingriiska, Fransiiska, Maraykanka iyo Midowga Sofiyeet. Xisbiga Leegadu, isaga oo oggolaansho rasmi ah ka haysta, Dawladdii Militeriga Ingiriiska ee Somalia xillgaas haysatay, ayaa wuxuu abaabulay 11kii Janaayo 1948, banaan baxay ay xubnihiisu ku muujinayee, sida ay uga soo horjeedaan, in Talyaani dalka Somalida dib ugu soo laabto. Iska horimaad kharaar oo dhiig badani ku daatay, ayaa maalintaas dhacay. Sababtuna waxay ahayd, dalka waxaa ku sii noolaawaagaas Kooxo Talyaani kahar ah, oo rabay in Talyaani mar kale dib ugu soo laabto Somaliya. Kooxahaas ayaa waxay soo abaabuleen kooxo ay ku ahdeen Leegada dibad baxooda arbusha. Leegada oo horayba u digniin qabtay, ayaa waxay toos u abbaareen goobihii dadka Talyaaniga ahi joogeen. Maalintaas Talyaani waxaa ka dhimatay 51 qof. Somalidana 17 qof. Dadkii goobtaas ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa Xawo Cisman- Xawotaako. In kasto oo dad badani ay goobtaas ku dhinteen, haddana weftigii wuu sii watay dhegaysigii aragtida ay kala qabeen wakiilada xisbiyada iyo ururada siyaasadeed. Weftigu waxay u guuxeen barnaamijkii siyaasadeed oo ay soo hordheen wakiiladii Xisbiga SYL oo ay u hadleen Xaji Maxamed Xuseen iyo Cabdullahi Ciise Maxamud.
Waxyaabihii leegadu soo jeedisay, midnimada ummadda Somaliyeed ka sokow, waxay talo ahaan ugu soo jeediyeen weftigii ka socday afarta dawladood oo waaweyn, in Somalia loo dhiibo Guddi dawlado badani ay xubno ka yihiin, oo muddo 10 sano ah gaarsiiya madaxbanaani.
Weftigii ka socday afarta dawladood oo waaweyni markii ay dib u noqdeen waxay ku talo-bixiyeen in la qaato talooyinkii Xisbiga SYL madaxdiisu weftiga u soo jeedisay. Waxaase arrintaas isku maandhaafay wasiiradoodaa arrimaha dibadadda.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaas Ernest Bevin, ayaa bishii Juun 1946, wuxuu soo jeediyey qorshe oranaya, dhulalka Somalidu degto oo Somali-galbeed ku jirto, marka laga reebo Jabuuti oo markaas gumaysiga Faransiiska ku hoos jirtay, in intooda kale inta hal meel la isugugeeyo ,Dawladda Ingiriiskuna dusha kala socoto. Qorshahaas waxaa si cad u weeraray oo ka horyimid dawladaha Maraykanka iyo Midowga Sofieti, oo ku eedeeyey Ingiriisku in isbalaarin hor leh uga dan leeyahay qorshihiisaan. Qorshihii Ernest Bevin halkaas ayuu ku dhintay. Wasiiradii arrimaha dibadda ee afarta dawladood oo waaweyni markii ay dhinacna u u dhaqaajin waayeen mushkiladda Somalida, waxay ku riixiin Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Golaha Guudna bishii Nofembar ee 1949,ayuu Dawladda Talyaaniga ah ku amaanaystay, in ay Somalia muddo 10 sano gudahooda madaxbanaani ku gaarsiiyo. Halkaasna Xisbiga SYL waxaa uga bilawday waa cusub oo dawlad dhisid ah .
Magacyada 13kii dhallinyarada ahaa oo unkay SYL waxay kala ahaayeen:
1. Cabdulkadir Sheikh Sakhaawudiin 2, Yaasiin Xaji Cisman Sharma-arke 3. Xaji Maxamed Xuseen Xaamud, 4. Cisman Geeddi Raage, 5.Dahir Xaji Cisman Sharma-arke, 6. Khaliif Huudow Macalin, 7.Maxamed Cabdalla Xayeesi,8 Maxamed Cisman Baarbbe, 9. Seydii Xirsi Nur, 10 Maxamed Cali Nur 11.Maxamed Farax Weheliye (Farnaajo) 12. Cali Xasan Maxamed (Verdura) 13. Dheere Xaaji Dheere.
Figradihiina