Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaan ku bilaabaynaa Magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh
Kadib markaan aragnay dhibaatada isdaba jooga ah oo aan xadka lahayn oo ku dhacaysa Isimadii, Nabadoonadii, waxgaradkii, aqoon yahanaddii, baayacmushtarkii, siyaasiyiintii, Maatadii, carruur iyo haweenkii.
Kadib markaan aragnay ardadii wax kasoo bartay gudo iyo dibadba oo dalanbaabi lawareegaya CV- yo oo cid hoos u eegaysaa aanay jirin oo niyad jab iyo quusasho la baday.
Kadib markaan aragnay magaalooyinkii iyo degaanadii Reer Puntland oo gacanta u galay duul shisheeye iyo shisheeye kalkaal bahdil iyo sharaf dhac ku haya shacabkii sharafta iyo qiimaha Rabbi ku manaystay.
Kadib markaan aragnay masaajadadii eebe lagu caabudayey oo culamadii biri magaydada ahayd lagu laynayo.
Kadib markaan aragnay in dhiigga shacabkii sharafta lahaa noqday sahal daadintiisu gudaha magaalooyinka iyo daafahoodaba.
Kadib markaan aragnay in midnimadii iyo isu damqashadii shacabka Reer Puntland la waayey oo reerba meel gaar ah bahal ku cunayo.
Kadib markaan aragnay faraxumaynta sharaf dhaca ah ee lagu hayo dumarkii haddana usoo gudubtay in caruurtii iskuulada aadi jirtay welwel laga qabo soo noqoshadooda.
Kadib markaan aragnay ka gilgelasha la’aanta xumaanta isdaba jooga ah ee lagu hayo shacabka Reer Puntland.
Kadib markaan aragnay sharaf la’aanta haysata bulshadii magac iyo sharafta ku dhex lahayd bulshooyinka kale oo aan maanta golayaasha laysugu yimaado kadhex kaftami Karin.
Anagoo ah Dhallinyarada Puntland Ee Gundiid waxaan go’aan ku gaarnay qodobadaan hoos ku xusan…
Codsi…
Ku… Isimada beelaha Reer Puntland
Ku… Dhammaan Caaqilada beelaha Reer Puntland
Ku… Dhammaan Nabadoonada beelaha Reer Puntland
Ku… Dhammaan Culumada, Aqoon yahanada iyo Wax garadka Reer Puntland
Ku… Dhammaan Dumarka Reer Puntland gudo iyo dibaddaba
Ku… Dhammaan Dhalinyarada Reer Puntland gudo iyo dibaddaba
Waxaan ka codsanaynaa in ay wixii talo iyo tusaale ah ee sahli kara soo celinta Midnimadii, Sharaftii, Sumcaddii Iyo Magacii Reer Puntland nagu kaalmeeyaan idinkoo noogu soo diraya Emailka hoos ku qoran…
Waxaan kaloo codsi u diraynaa Ciddii damiir leh oo daacada oo doonaysa wanaagga iyo midaynta Reer Puntland inay ka qayb qaataan isutaagidda sidii looga miro dhalin lahaa arimahaas kor ku xusan fadlan waxaad nagala soo xeriirtaan Haddii Allah idmo Emailkaan hoos ku qoran
WabiLaahi Tawfiiq
Figradihiina