Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
INNAA LILLAA HI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Dhammaan qoyska reer Yussuf Geedeeye meelkasta oo ay joogaan waxay iyaga oo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeryooday ALLA HA U NAXARIISTEE Marxuum Cabdiraxman Xaji Nur (Shagaxle) oo bishan May 20 keedii ku geeryooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxaanu si gaara tacsidan ugu diraynaa Marwo Nuura Caydiid Maxamed iyo Caruurteeda Maxamed iyo Hoodo iyo sidoo kale dhammaan qoyska reer Xaji Nur Cabdalle.
Waxaanu marxuumkaa ilaaheenna weyn uga baryaynaa inuu naxaristii janno ka waraabiyo dhammaanteenna samir iyo iimaan inaga siiyo…..AAMIIN……..AAMIIN……..AAMIIN.
Sida la wada ogyahay Cabdiraxman Xaji Nuur waxa uu ahaa shakhsi ilaalhay iimaan, akhlaaq wanaag, diin iyo dad jacayl ku manaystay, isaga oo ka mid ahaa dadkii sida sharafta leh ugu soo adeegay dalkiisii iyo dadkiisa magac iyo maamuus wanaagsanna ku lahaa ummadda Soomaaliiyeed dhexdeeda. Waxaanu ilaahay ka baryaynaa in uu ka abaal mariyo wanaagaa uu mutaystay uguna bedelo Jannatul Fardawsa, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhanna Samir iyo iimaan ka siiyo ………AAMIIN……..AAMIIN….AAMIIN.
Figradihiina