Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaala madaxda gobolka Galaduud ee Dhuusamareeb ayaa lagu soo geba gabeeyay qaban-qaabo maalmihii la soo dhaafay ka socostay taa oo ahayd dhameystirka hoolka lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay marti badani imaan doonaan.
Goobta uu Maamulka Galgaduud u diyaariyay in lagu qabto shirka maamul u sameynta ayaa ah xarun weyn, iyadoo hoolka ay u qorsheysteen in shirka ka furmo si aad ah loo qurxiyay, lana dhigay kuraas casri ah kuwaa oo ay ku fadhiisan doonaan madaxda iyo martida kale ee imaan doonta shirka.
Warar mar hore la shaaciyaya ayaa sheegayay in madasha shirka lagu qabanayo ay noqoneyso Cadaado hase ahatee hadda waxaa muuqata in shirka lagu qaban doono magaalada Dhuusamarreeb maadama diyaar garow laga daremayo magalada ayna soo gaareen qurba joog tirro badan iyo saraakiil sar sare oo ka socota Dowlada Soomaliya.
Ammaan ahan marka la eego Dhuusamarreeb waxay xarun u tahay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Itoobiya kuwaa oo qeyb weyn ka ah sugida ammaanka.
Ceegaag.com
Figradihiina