Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dilal qarsoodi ah oo ay geystaan
kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee
xarunta gobolka J/hoose, iyadoo sidoo kale dibadbaxani lagu taageerayay
nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Boqolaal isugu jira Haween iyo dhalinyaro ayaa socod dheer kusoo maray
wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo
ay ku taageerayaan nabadda islamarkaana ay uga soo horjeedaan dilalka
qarsoon ee ka dhaca magaalada Kismaayo.
Dadkan ayaa ku dhawaaqayay “Dooni Meeyno Nabad Diid”, Doono Meyno dilal
qarsoon” iyo hadallo kale oo kuwaa lamid ah, waxaana dadkani ay siteen
boorar ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen dareenkooda.
Haweenkan ayaa isugu tagay faagaraha weyn ee kasoo horjeeda shirkadda
Olombik ee magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi saxaafadda kula hadlay
gudoomiyaha ururka Haweenka Jubooyinka Marwo Batraan Muxumed C/dulle iyadoo
sheegtay in dibadbaxani uu yahay mid ay uga soo horjeedaan dilalka qarsoon,
iyadoo intaa ku dartay in sidoo kale ay taageerayaan nabadda iyo isu soo
dhawaanshaha beelaha wada dega Jubooyinka.
“Kooxaha isqarinaya ee dadka leeynaya waan cambaareeyneynaa, waxay
doonayaan in ay iska horkeenaan beelo walaalo ah, ma dooneeyno dagaal iyo
xabad, waxaan rabnaa nabad,” ayay Marwo Batraan hadalkeedii raacisay.
Dhamaan haweenkii goobta ka hadlay ayaa si isku mida uga soo horjeestay
kooxaha dilalka qarsoon ka geeysta Kismaayo, waxayna sidoo kale soo
dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka
wado gobollada Jubooyinka kuwaasoo la isugu soo dhaweeynayo beelaha
walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka.
Dibadbaxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay kooxo hubeeysan oo aan
heybtooda la aqoon ay xalay laba askari ku toogteen gudaha magaalada
Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Cabdi casiis Garyaqaan
Kismaayo-Soomaaliya.
Figradihiina