Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaar garowga Ciida oo si habsamileh ugu socda muqdisho

Suuqyada waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay diyaar garowga loogu jiro ciida Soonfur oo ay naga xigaan wax ka yar maalin.
Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ah ayaa buux dhaafiyay goobaha ganacsiga, sida meelaha lagu iibiyo dharka, cuntooyinka macmacaanka iyo agabyada kale ee aan looga maarmin munaasabadda Ciida.
Suuqyada Xamar Weyne, Bakaaro, Kaaraan, Suuq Bacaad iyo Siinaay ayaa waxay saakay noqdeen kuwo mashquulkooda aad u badan yahay oo ushii cirka loo tuuro aanay dhulka dhaceynin ilaa inay qof ku dhacdo maahee.
Dadweyne ka ganacsanayay suuqyada Xamar Weyne iyo Bakaaro oo u waramay shabakada ceegaag ayaa sheegay in ciidaan ay ku duwan tahay tii ka horeysay, iyagoona sheegay inay ugu wacan tahay arrimo dhowr ah oo is biirsaday.
“Ciidaan waa mid ka duwan kuwii hore, maxaa yeelay waxaa is biirsaday nabadda ka jirta Muqdisho iyo ganacsigii oo ballaartay iyo dadweynihii magaalada ka qaxay oo dib u soo laabtay” ayay tiri Hooyo Ambiyo oo sheegtay inay dhar u iibineyso lix caruur ah oo ay iyadu dhashay.
Dhinaca kale dadweynaha Muqdisho ayaa ka cabanaya qiimaha sicirka lagu iibiyo alaabaha, dharka, cuntooyinka iyo qalabka loo isticmaalo xafladaha ayaa sare u kac ku yimid, iyagoona sheegay in dadweynaha qaarkii ay sanadkaan dhibaato ku noqotay inaysan ka qeyb qaadan dabaal degga maalinta Ciidul fitriga.

Maalmaha ciida ayaa waxaa magaalada muqdisho can kutahay inay dadweynaha isugu hambalyeeyaan munaasabadahan laakiin dhinaca kale waxaa jira agoon iyo danyar aan haysan wixii ay ku farxi lahaayeen.

Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply