Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarada Rajo airline Oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya by Maxamuud Boocame(SOMSAT.tv)

Shirkadda Cusub ee Duulimaadka Diyaaradaha ee Rajo Air ayaa dhawaan Duulimaadyo Cusub ka bilaabi doonta gudaha Soomaaliya, waxaana fadhigeedu noqon doonaa Puntland, iyadoo Diyaaraddu ay Duulimaadyo ku tagi doonto Magaalooyinka, Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso, Kismaayo, Hargeysa, Belad-xaawo iyo Doolow, sida uu sheegay Mulkiilaha Shirkadda Rajo Air, Nuuradiin Maxamed Cali Abukar.

Diyaaraddaan Rajo Air ayaa noqon doonto tii ugu horaysay ee si Local ah (Gudaha ) Puntland iyo Soomaaliyaba uga  shaqeynaysa, islamarkaasina waxaa ay ruqsad ka haysataa dhammaan meelaha ay ka howlgali doonto, waana Diyaarad shacabkeeda dhex joogi doonta oo aan meelna u dhaafayn.

Daawo Vedio

Mulkiilaha Shirkadda Rajo Air Nuuradiin Maxamed Cali Abukar oo isagoo ku sugan MagaaladaSeattle Washington ee dalka Mareykanka Khadka telefanka ugu warramay Somsattv, ayaa sheegay in Asbuuca soo socda Shirkadda Rajo Air ay ka shaqo bilaabi doonto somalia, waxaana uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay uga nasan doonaan Safarka dhibka badan ee gawaarida markasta shilalka gala.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply