Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dooni la sheegay inay la degtay dad tahriiyaal ah

 

Baadigoob xoogan ayaa waxa uu ka socdaa badda Mediterraneanka kadib markii ay degtay doon siday tahriibayaal gaaraya toddobo boqol oo ruux.

Ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtey in doontan ay degtay xalay saqdii dhexe illaa haddana laga soo badbaadiyay dad gaaray 28 ruux.

Maraakiib laga leeyahay dalka Talyaaniga,ciidamada badda ee Malta iyo maraakiib ganacsi ayaa ka qeybqaadanaya samatabixinta dadka tahriibayaasha ah oo doontu kula degtay biyaha dalka Libya gaar ahaan dhinaca koofureed ee jasiirada Lampedusa.

Ra’iisal wasaaraha dalka Malta Joseph Muscat ayaa ku qoray bartiisa Twitterka in dad badan laga cabsi qabo inay ku dhinteen doontan.

Wargeyska The Times of Malta ayaa qoray in dadka tahriibayaasha ah ay doontan la degtey kadib markii ay arkeen markab ganacsi ayna damceen inay gargaar ka dalbadaan markabka.

Illaa hadda ma jirto war ku saabsan tahriibayaashan wadamada ay ka soo jeedaan, waxaana dhowaan isa soo kordhayay tirada dadka tahriibayaasha ah ee gaaraya dalka Talyaaniga,

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply