Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Doorashada Madaxweynaha Burundi oo mar kale dib loo dhigay

July 12 (Ceegaag)— Doorashada Madaxweynaha Burundi ayaa mar kale dib loo dhigay, iyadoo rabshadah dalkaas ka socda ay sii kordhayaan.
Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Burundi oo lagu magacaabo Gervais Abayeho ayaa sheegay in doorashada la qaban doono 21-ka bishan July, kadib markii ay dalbadeen Hogaamiyeyaasha Gobolka in dib loo dhigo.
Hogaamiyayaasha Gobolka ayaa magaalada Dasa-Salam ku lahaa kulan ay uga hadlayeen xaalada wadanka Burundi, iyagoo ku baaqayay in dib loo dhigo doorashada.
Rabshadaha iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dalka Burundi ayaa ahaa kuwo sii xoogeysanayay, tan iyo intii Madaxweynaha Burundi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isa soo sharaxayo.
Labadii cisho ee u dambeeyay ayaa weeraro bambooyin ay ka dhaceen Caasimada Bujumbura, waxaana tan iyo markii rabshadaha ay bilowdeen bishii April rabshadaha dalkaas ka dhacay ku dhintay dad dhowr ah.
Madaxweyne Peirre Nkurunziza ayaa markii uu sheegay in mar saddexaad isu soo taagayo doorashada waxaa hareeyay dibad baxyo iyo isku day afgami dhicisoobay
Ceegaag-muqdisho
.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply