Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka shaqaalaha Turkiga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Turkiga ay bilaabeen inay isaga baxaan Dalka Somalia.
Saraakiisha Turkiga ee ka howlgashay Magaalada Muqdisho ee laga saaray Dalka ayaa la sheegayaa inay gaarayaan illaa 210-Sargaal oo isugu jira kuwa dhismaha, Caafimaadka iyo kuwa qaabilsan taakuleynta, waxaana la tilmaamayaa in Maanta Magaaladu ay ka safartay tiradii ugu horeysay shaqaalahaasi.
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in shaqaalahaasi ay dalka uga baxeen Xaalada Amaan Xumo ee ka jirta Caasimada Soomaaliya iyo sidoo kale Cabsi ka soo foodsaartay dhanka Al-shabaab.
Warar kaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in Bixitaanka Shaqaalahaasi uu yahay mid salka ku haayo Khilaaf kala dhexeeya Dowlada Federaalka Somalia oo iyadu ka dhaga adeegeysa dalabyo ay u dirsadeen DFS, taasina ay dhalisay in Shaqaalaha ay joojiyeen Howlihii ay kawadeen Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay isaga baxeen Dalka.
Safarka Saraakiisha Turkiga ee howlaha dhismo, Cafimaad u joogay Muqdisho, ayaa waxa uu ka dambeeyay Iyadoo ay maalmahaani jireen warar sheegaya in Dowladda Turkiga ay joojineyso Mashaariicda ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.
Ceegaag Online
Figradihiina