Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shir jaraa’id Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ku qabtay galabta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa xiriirka loogu jaray Jamhuuriyadda Guinea.
Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas ka hadlayey ayaa intaasi ku daray “Waxaa soo badanayey dalalka xad-gudubyadaas sameynaya, waxaa la soo gaaray waqtigii aan adduunka u sheegi laheyn in dowladda federaalka ah iyo umadda aaney u dul-qaadaneyn faregelin lagu sameeyo qarannimada”Wasiirka oo shir jaraa’id oo xarunta wasaaradda ka dhacay ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay “Xukuumadda Soomaaliya waxay u taagantahay ilaalinta midnimada qarannimada Soomaaliyeed, go’aan kastana uu ku saleysan yahay u adeegga qarannimada Soomalaiya”.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dalkaasi tagay todobaadkan madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, loona soo dhoweeyey qaab heer madaxwayne ah.
Figradihiina