Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dufcaddii 16-aad Ee Jaamacadda Muqdisho Oo Loo Sameeyay Xaflad Qiimo Badan Loona Riyaaqay

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/8/2016-ka  waxaa xaflad qalin jibin ah loo sameeyay dufcaddii 16-aad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Muqdisho.

Ugu horayn waxaa kahadlay guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa yiri  maanta xafladan aan joogo waxay ii leedahay laba xusuus oo aad muhiim u ah, midda koowaad furitaankii Jaamacadda Muqdisho waxay ahayd riyo laakii waxay isu badashay farxad iyo horumar, ardayda maanta qalin badalanaysa waxaa loo jeexay waddo waxaase laga rabaa inay wadadaas toosiyaan kana ilaaliyaan qodxaha ogaada inad tihiin dad lasugayo oo loo han waynyahay.

Mid kamid ah ardaydii qalin jabisay oo kahadlay goobta xaflada ayaa ka sheekeeyay “waxyaabaha ay goonida u tahay Jaamacadda Muqdisho wuxuuna sheegay waxkasta oo laqabanayo Jaamacadda Muqdisho way u nidaamsan yihiin, waxbarashada waxaa dheeri noogu ahaa waxaa nala baray nidaam iyo maamul dheeri ah” wuxuuna umahad celiyay ardayda maanta qalin jabinaysa iyo maamulkaba.

Cabdirashiid Khaliif , agaasimaha machad Heritage ahna masuul u hadlayay SomaliRen oo ku midaysanyihiin in kabadan 13Jaamacadood iyo machadyo cilm baaris ah oo ku yaala dhamaan gayiga Soomaaliyeed ayaa umahad celiyay Jaamacadda Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay hooyadii waxbarasha iyo rajadii bulshada Soomaaliyeed sababta oo ah xili dadka ay rajo beel ku jireen ayay u abuurtay rajo, wuxuuna ku amaanay hawl qabadkeeda dheeriga ah iyo waxbarashada tayaysan.

Mid kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cali Caadle oo kuhadlayay waalidiinta ay ardaydooda qalin jibinayeen ayaa umahad celiyay masuuliyiinta Jaamacadda Muqdisho isagoo ku amaanay inay wax badan bulshada u qabteen isagoo wajigiisa ay ilini soo dhaaftay farxad darteed wuxuuna umahad celiyay dadka xaflada kasoo qaybgalay.

Ugu dambayn guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa sheegay sheekada furitaanka jaamacadda Muqdisho ayaa kasoo bilaabatay 1993-kii “maanan lataahin Jaamacadda dhamaystir bay u ahayd ee ma ahayn bilaw” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

“dadka waxaa dila waxa ugu wayn waa jahliga waxaana mudan in loo mahad celiyo waalidka oo gacan wanaagsan kulahaa jiritaanka Jaamcadda Muqdisho.”

“maku faraxsanin Jaamacado aan tayo lahayn inay furmaan laakiin waan soo dhawaynaynaa in lafuro Jaamacado kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho gabay oo isagu leeyahay oo uu kula dardaaramayay  ardayda maanta qalin jabinaysay:-

(Talaabadda udheeree               Markaad tiigsan himilooyin.)

Munaasabaddii xafladana waxay kusoo idlaatay jawi wanaagsan oo quruxbadan loona riyaaqay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply