Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 24, ( ceegaag)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed sida: bahda waxbarashada,ganacsatada,isgaarsiinta,waalidiin,maamulka ,macalimiinta,iyo ardayda jaamacadda muqdisho ayaa lagau qabtay hoteelka shaamow ee magaalada muqdisho.
Xafladan ugu horeyn waxa ka hadlay masuulka tirsan masuuliyiinta jaamacada muqdisho kana mid ah gudiga qabanqaabada xaflada ustaad cali daahir maxamed waxa uuna halkaasi ka sheegay in ardayda manta qalinjebisay ayka koobanyihiin laba qeybood oo kala ah shahaadada koobaad oo ay ka qalinjebiyeen arday gaareysa 430 arday ooka qalinjebiyey 7 todobada kulliyadood oo ka mid ah sagaalka 9 kulliyadood oo ay ka koobantahay jaamacadda muqdisho iyo shahaadada labaad ee masterka oo ay ka qalinjebiyeen 98 oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba.
Dr-cali baashi cumar oo kamid ah gudiga sare ee jaamacadda ayaa halkaasi ugu soo jeediyey hambalyo ardayda qalin jebisay waxa uu sheegay ( ummadi waxay ku hormartaa cilmiga waana tan maanta aan ujoogno iyo horumarka ay sameysay jaamacadda muqdisho).
Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay hormuudka daraasaadka sarre ee jaamacadda muqdisho Dr-cilmi dhuxulow gacal ummadaan waa la soo hagi jiray laakiin maanta idinka ayey hagid iyo hoga tusaale idiinka fadhidaa waana waxa la idiin baray hgaamintaa quruxda badan .
Gudoomiyaha jaamacadda banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka Somali RAN oo ah Dallada waxbarashada iyo cilmi barista soomaaliyeed ooay ku mideysan yihiin qaar kamid ah jaamacadaha soomaalida Dr-c/risaaq dalmar waxa uu sheegay injaamacadda muqdisho ay kamid tahay dalladaan Somali RAN kuwooda ugu fir fircoon kana mid ahayd aas aasayaashii, waxaa kale oo ku amaanay inay ahayd jaamacaddii ugu horeysay ee dagaaladii sokeeya ka dib la furay ayna jaamacadaha dalka unoqotay mid lagu daydo, waxaa kale oo uu uhambalyeeyey ardayda manta qalinbadalaneysa.
Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo gunaanaday gudoomiye kuxigeenka arimaha maamulka Dr- ibraahim maxamed mursal ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay soo martay jaamacadda muqdisho iyo mustaqbalka waxa ay tiigsaneyso.
Waxa ay jaamacadda muqdisho shacabka soomaaliyeed u abuurtay waxbarasho kusaleysan dhaqankooda iyo diintooda.
In la is ogoleysiiyo dhaqan ku saleysan diin iyo cilmiga horumaray.
In la soo saaro dhalinyarosoomaaliyeed oo ka dhisan diintooda kartina uleh inay wax badalaan.
Iyo tacliin ay lasocoto akhlaaq aad usareysa iyo iimaan wanaagsan.
Waxyaabaha ay jaamacadda tiigsaneyso waxaa kamid ah
1) Tayada inay kor uqaado
2) Istiraatiijiyada udegsan jaamacadda waa 25ka sano ee soo socda inay BHD noqdaan macalimiinteeda
3) Manhajka waxbarashadana waa in kor loo qaadaa
4) Ummadaha waxay ku hormaraan waa cilmiga dadka cilmiga lehna waa in lakaraameeyaa.
Wuxuuna ardayda qalin jebisay kula dardaarmay inay cilmigooda sii wataan.
Xafladiina waxay ku soo dhamaatay guul .
Ceegaag.com
Figradihiina