Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dufcadii 23-aad ee Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo Loo Soo Gabagabeeyay Todobaadka Dhaqanka Jaamacadda Muqdisho Sanad Waxbarashadeedka 2019-2020

Munaasabad aad u balaaran si wayn loosoo agaasimay kuna saabsanayd todobaadka dhaqanka jaamacadda muqdisho loona qabtay ardayda cusub ee dufcadii 23-aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta ugu wayn Jaamacadda Muqdisho.

Munaasabadan oo kusaabsanayd todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho laguna baro ardayda nidaamka Jaamacadda u dagsan lagana rabo ardayda inta uu ku guda jiro sahanka waxbarashada  inuu ilaaliyo nidaamka udagsan jaamcadda, waxaa kale ee ardayda kusoo bandhigaan todobaadka dhaqanka waxyaabaha ay halabuurka u leeyihiin ee ardayga ku duugan.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Madaxa Xafiiska Ardayda ee Jaamacadda Muqdisho Ustad Muse Axmed Cabdalla ayaa soo dhaweeyay ardada cusub isagoo Kula dardaarmay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xassan Nuur ayaa u hambalyeeyay kusoo biiritaanka ama doorashada Jaamacadda Muqdisho ay doorteen wuxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii laba laabaan.

Dr. Shariif Cusmaan lataliyaha guddoomiyaha arimaha horumarinta ee Jaamacadda Muqdisho ayaa dhankiisa ardayda kula dardaaramay inay noqdaan dad ilbax ah ilaaliyaanna arimaha ku xeeran ee dhanka arimaha bulshada noqdaana dad ku dayasho leh.

Ugu dambayn waxaa isna halkaas kahadlay guddoomiya Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali oo u hambalyeeyay ardayda cusub iyo waalidiintooda doorashadii ay soo doorteen Jaamacadda Muqdisho.

“Jaamacadda Muqdisho waa lagu soo kala horeeyay ee lama kala laha aqoonyahankii dhidibada utaagayna waxay isku dhaarsadeen in Jaamacadda Muqdisho loo sameeyay shacbiga Soomaaliyeed.”

“Maalmahan waxaa ku guda jirteen todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho idinkoo waxbadan ka bartay qaab nololeedka iyo qawaaniinta u dagsan Jaamacadda Muqdisho waxaan ku kalsoonahay inaad noqon doontaan arday akhlaaq leh guulo badana xaqiijin doono”.

“Dhanka kale waxaa wax lagu farxa ah in deeqdii dalka Japan ee tartanka loo galay waxbarashada sare ee Masterka uu ku guulaystay arday Jaamacadda Muqdisho kabaxay”

“Dhanka kale waxaan kale oo aan aamin sanahay inay Jaamacadda Muqdisho shacbiga Soomaaliyeed ay u abuurtay rajo iyo yididiilo aad u wayn.”

Mar uu kahadlayay guddoomiyaha Jaamacadda Muqisho waxyaabaha ay gaarka utahay Jaamacadda Muqdisho inay ka mid yihin waxbarasho kusalaysan akhlaakh, karti iyo islaanimmo, imtixaankeeduna uu yahay mid hufan ardaygeedana uu yahay mid la ixtiraamo isna uu ixtiraamo macalimiintiisa iyo maamulkiisa horayna ay usoo saartay dad tayo leh oo bulshada soomaaliyeed wax baddan oo lataaban karo u qabtay.

“Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad u taagan inay soo saarto hogaamiye ummadiisa u horseeda wanaag sharaf iyo cisi kana ilaalisa ama ladagaalanta waxyaabaha xunxunka ah ee ay ka mid yihiin qabyaalada iyo miraheeda xun.” sidaasna waxa yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.

wuxuuna kusoo gabagabeeyay Gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali , “Waxaan balan qaadeynaa in jaamacadda muqdisho aad ugu imandoontaan cadaalad, akhlaaq iyo waxbarasho tayeeysan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply