Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay shacabka in aysan guryahooda ku qarsan dambiilayaal

Maarso 30 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowladda.
Mr Jimcaale ayaa sheegay in aanay shacabka guryahooda ku qarsan kuwa ka dambeeya falalka amni darada.
“Amniga Mas’uuliyadiisa maamulka Gobolka lagu wareejiyay, shacabka waxaa laga rabaa in aysan qarsan dambiilayaasha, waxaa ka rabnaa inay la shaqeeyaan hey’addaha Ammaanka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in amniga gacan bir ah lagu qaban doono, lagana hortagi doono meelaha laga soo abaabulo qaraxyada, sida garaashyada iyo guryaha lagu qariyo.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan bilic soo celinta iyo nadaafada, si quruxda caasimada dib u soo celiyaan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply