Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflada ballaadhan oo loogu dabaaldegay dawladda Federal Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu qabtay Iskuulka Islaamka ee ku yaal magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Kanada.. Xafladdan oo ay soo abaabuleen Jaalliyada ku dhaqan magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal ka tirsan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda.
Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Edmonton ka koobantahay sida madaxda ururada Soomaalia, odayaasha, haweenka, dhallinyarada, culumaaudiinka, ganacsatada, iyo indheergarad farabadan. Dhammaan dadkii ka hadlay xafladdaas ayaa ammaan, bogaadin, duco iyo dardaaran u soo jeediyay madaxwaynaha cusub ee Somaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo guddoonka Baarlamaanka .
Xafladdaas oo lagu soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo, buraanburro iyo majaajilo ayaa waxay ku soo gabagabowday farxad iyo jawi aad u sarreeya.
Figradihiina