Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Engineer Xussen Fiin oo nasoo gaadhsiiyay warqad uu ku cadeenayo mowqifkiisa uu ka taagan yahay Masjid u raadinta Magaalada Boston. “Masaajid waa Guri Ilaahay Guri ilaahayna shaqsigii u tudhaya naftiisa tan ehelkiisa waa inuu waxa uu ku taageeri karo ku taageeraa balse hagardaamo Masaajid Ilaahaybaan ka magan galay. Balse waxaan cadeenayaa in aan habeenimadii Dec 24, 2014 xalay dhalay kawada noqonay hadalo naloo kala wariyay aniga iyo walaalaha qaarkamida maamulka masajidka Al-Taqwa.
Sida aad lasocotaan Waxaan Ahaa Gudoomiyihii Gudiga Masaajidka ilaa Dhamaadkii 2013 iyo Badhatamahii 2014 Waxaan Geed dheer iyo midgaabanba u koray in Soomaalidu Yeelato Masaajid u Gaara, anigoo dabadeed Dano shaqsiyadeed awgeed isaga casilay hawshaa. Maarnaba igama suuro gasho inaan ku kaco wax ka hor imanaya Dacwada, iyo wadajirka Jaaliyada Soomaalida, Hadalada laysla dhexmarayaana waa Been Fakatay Runi ma gaadho.
Taa macnaheedu ma aha in dareenka gudi jaaliyadeed kii aan ka mid ahaa uu is badalay. Waxaa wali taagan oo lasugayaa in la qabto shirwaynihii la’iclaamiyay ee looga hadli lahaa horumarinta iyo helitaanka masaajid-wayn oo cusub. Shirkan waa shir loogu talo galay in fursad lagu siiyo shacabka in ay figradahooda ka dhiibtaan sidii ay u hormarsan lahaayeen masaajidkooda”.
Shirkan oo loo balan san yahay inuu dhaco Jan 2015, ama horaanta Feb 2015
Qoraalkan tarjamaadiisu waa sidan: Muslimiinta waxaa laga doonayaa maanta markay hayaan wadada horumarka inay ka xoreeyaan towxiidkooda dhamaan shirkiga qaybihiisa kala duwan, acmaashoodana ya ka xoreeyaan bidcooyinka, oo isla markaa ay isku kaalmaystaan oo ku midoobaan xaqa, iyo sunada nabiga (SCW) maxaa yeelay kumidoobis lagu midoobo wax arinkaas ka soo hadhay waxay keenaysaa camalka oo bura. Ama nusqaama arinkaasina waxba masoo kordhinayo.
Wabilaahi Tawfiiq
Eng. X.Fiin
Boston
Figradihiina