Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Oktoobar 05, 2015 (Ceegaag) -Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo booqasho ku tagay dalka France Axadii shalay ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyadda Turkida ee dalalka France, Belguim iyo Germany.
Dad gaaraya 12.000 ayaa isugu yimid magaalada Strasbourg (France) oo lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo booqasho ku maraya qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub. Kulan ayey soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Erdogan kahor doorashada bisha November ka dhici doonta dalka Turkiga.
Erdogan oo la hadlayey qurbo joogta Turkida ayaa baaq u diray dalalka Midowga Yurub ee xiligan la tacaalaya qaxootiga badan ee ka yimid dalka Siiriya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu gaaro magaalada Brussels ee dalka Belguim oo uu kula kulmi doono madaxda Midowga Yurub oo ay ka wadahadlayaan xaalada dalka Siiriya iyo waliba nabadeyntii laga dhexwaday Dowlada Turkiga iyo Jamhada Kurdida ee PKK
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina