Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jawhar Oct 06, 2016 Ceegaag.: Wararka aanu ka heleyno Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya in qaar ka mid ah Beelihii ka qeyb galayay Shirka Magaalada Jowhar ay isaga baxeen shirkaasi. Beelaha Shirkaasi isaga baxay ayaa la sheegay in ay dhan yihiin illaa 5 Beelood oo ka gadooday hanaanka Shirka.
Waxaana ay yihiin Beelaha shirka isaga baxay kuwa inta badan dega Gobolka Hiiraan sida wararka Jowhar naga soo gaaraya ay ku soo warramayaan. Nabadoon Cismaan Adan Maxamuud oo ka mid Ergada Shirka Jowhar ka qeyb galaya ayaa xaqiijiya beelahaasi Shirka maanta isaga baxay. Shalay ayey ahayd markii Mid ka mid ah Beeliha ka qeyb galaya Shirkaasi Magaalada Jowhar ay shirka isaga baxday.
Wadarta Guud ee Shirkaasi isaga baxay ayaa la sheegay in ay dhan yihiin illaa iyo 6 Beelood. Muranka iyo Khilaafka shirka ka soo cusboonaaday ayaa waxaa ugu wacan arrimo ay ka mid yihiin in Beelaha qaar si hoose xubno dheeri ah oo Baarlamaanka ay ku yeelanayaan loogu daray. Dhinaca kale waxaa maanta Magaalada Jowhar lagu Ansixiyay Dastuurka uu yeelanayo maamulkaasi Hir Shabelle xilli Ergooyin badan ay shirka ka maqan yihiin.
Shalay ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladd Federaalka Soomaaliya ay jir dil xoogan u geysteen Ergooyin Gadoodsanaa oo iyaguna shirka isaga bixi rabay. Ergada la jir dilay ayaa ku eedeeyay in dhibaatada lagula kacay ay Masuul ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya .
Figradihiina