Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay Ka Caawinayaan sidii Loo wiiqi Lahaa Awooda Ururka Al Shabaab.
Ambasador Jamaaludiin oo ah Ku Xigeenka Safiirka dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya oo Wareysi Siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay Ka Go’antahay sidii ay U garab Istaagio Lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya ee Curdunka ah isagoo shaaca ka qaaday In dowladda Soomaaliya ay Ka Caawin doonaan dib u dhiska Ciidamadeeda iyo qalabeyntooda intaba.
Ambassador Jamaaludiin ayaa Ku Amaanay dowladda Soomaaliya Mudadii yareed oo ay jirtay in ay Ku tallaabsatay Horumar La Xiriira dhinac Ammaanka isagoona ugu baaqay Beesha Caalamka in Gurmadka Deg deg ah ay La soo Gaaraan Soomaaliya Maadaama sida uu sheegay Muddo Ka badan 20 sano dalka uu Ku Jiray Bur bur iyo Fowdo.
Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay Ciidamo Ka Joogaan Gudaha Waddanka Soomaaliya kuwaasi oo Kaaba Ciidamada dowladda Soomaaliya.
C/casiis Garyaqaan
Figradihiina