Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin Al-Shabaab Oo Weerartay Badhaadhe Iyo Khasaare Ka Dhashay

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar khasaare geystay oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen degamada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ah mid gaadmo ah ayaa dagaalyahanada Shabaabku waxay la beegsadeen saldhigyo Meleteri oo ay degmadaasi ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda kuwa Jubbaland.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Faarax Haybe ayaa Ceegaag Online u xaqiijiyey geerida askari ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo dhaawaca askari Kenyaan ah isaga oo intaasi ku daray in Shabaabka laga dilay saddex dagaalyahan.

Marka laga soo tago hadalka guddoomiyaha degmada Badhaadhe ayaa warar madax banaan oo aan ka helnay degmadaasi waxay sheegaayaan in weerarka lagu dilay labo ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo saddex askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, sidoo kalena lagu gubay labo gaari oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply