Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal u dhexeeya Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab inuu ka dhacay degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadda dowladda Soomaaliya Fariisimo ay ku lahaayeen Al-shabaab deegaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Taliyaha Amniga degmada Luuq Xuseen Deeroow Ismaaciil ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay deegaanka Carra-case Bursagaar, iyo Tuulo-barwaaqo oo dhamaantood u jira 90 KM u jira degmada Luuq, wuxuuna xusay weerarka iyagu inay qaadeen isla markaana ay ku bartilmaameed sadeen fariisimo ay Kooxda Al-shabaab deeganadaasi ku lahaayeen.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalka inay kaga dileen Kooxda Al-shabaab 11 askari dhinacooda uu kaga dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka dowlada.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay Cidamadda dowladda ee degmada Luuq inaysan hellin Wax mushaaraad ah isagoona dowladda ugu baqay inay dhisto Muraalka Ciidanka isla markaana ay u keento Mushaarka.
Marar badan ayaa dagaalo noocaan oo kala ah ay ka dhaceen gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya iyadoo dagaaladaasna ay qasaaro gaysteen.
Figradihiina