Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahin kasoo baxaysa Weerar goordhow lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wararka goordhow naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee magaalda Kismaayo ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay weerar xoogan.

Ciidamo taabacsan Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay weerareen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo halkaas oo ay kusugan yihiin Ergooyinka ka qeyb galaya shirka maamul usamaynta Jubbooyinka.
Saraakiil kusugan Kismaayo ayaa sheegay in weerarkan uu ku bilowday duqeyn madaafiic ah oo ay Shabaab ku qaadeen garoonka magaalada.
Ciidamada amaanka Kismaayo ayaa si deg deg ah kaga jawaabay duqeynta Shabaab waxaana la maqlayay rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan ciidamada dowlada iyo Shabaab.
Waxaa jira qasaaro ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray ciidamada dowlada ee Kismaayo kusugan iyo Xoogaga Al-Shabaab.
Marar badan ayaa sidaan oo kale weeraro uga gaysteen Shabaab garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, oo ay ku sugan yihiin inta badan ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul usamaynta Jubbooyinka.

 C/casiis Xaaji Max’ud {garyaqaan}

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag