Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kla dhacay qarax xoogan kaas oo lala beegsaday qaar kamid ah ciidamada Amisom ee kusugan magaalada.
Dadkii ka ag dhwaa ayaa noo sheegaya in qaraxan oo ahaa bambo nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamada Kenya ee magaalada kusugan sida ay dad goob joogayaal ah noo xaqiijiyeen.
Wararka xaafada Via afmadow ka soo baxaya ayaa intaas ku daraya inay jiraan qasaaro ka dhashay qaraxa, sidoo kale waxaa la arkayay gaari ay wateen ciidamada Amisom oo qaasaro soo gaaray,
Ciidamada maamulka Jubbland iyo kuwa Amisom ayaa haatan howlgallo ka wada xaafada Via Afmadow ee qaraxa uu ka dhacay.
Dhanka kale hal qof ayaa ku dhintay 3 kalena waxa kasoo gaaray dhaawacyo kadib markii gaari nooca UD-ga loo yaqaan uu ku rogmaday xaafadda Via afmadow gudaha Kismaayo.
Hal qof ayaa isla goobta ku dhintay, waxaana dhaawacyada 3qof oo kale la geeyay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaasoo lagu daweeynayo.
Waxa kaloo jiray in lafashiliyay miino dhulka lagu aasay kahor in ta uusan dhicin qaraxan, waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo u tababaran miina bixinta ee maamulka Jubbland, ayadoo ay ku guuleysteen bixnta miinada oo dhulka lagu aasay ciidamada maamulka Jubbland.
Ma’ahan ma markii ugu horeeysay miino noocan oo kala aay bixiyaan qaarkamid ah ciidamada maamulka Jubbland.
Kismayo-Somalia
Figradihiina