Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa galabta soo afjaray howlgalkii ay Kula dagaalamayeen rag katirsan Xarakada Al-Shabaab oo maanta qaraxyo iyo weeraro toos ah ku galay xarunta Golaha Shacabka iyo nawaaxigeeda.
Ciidamada Dowlada iyo kwa AMISOM ayaa dagaal la galay tiro katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Xarunta Golaha Shacabka , Ciidamada ayaana ku guuleestay in ay dilaan dhamaan ragii katirsanaa Al-Shabaab ee weeraray xarunta Golaha Shacabka.
Sargaall katirsan laamaha amaanka Dowlada ayaa goordhaw Warbaahinta u xaqiijiyay in ay soo afjareen howlgalkii ay kawadeen xarunta Golaha Shacabka , waxa uuna tilmaamay Sargaalkan lix katirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen weerarka xarunta Golaha Shacabka.
Ku dhawaad 10-qof ayaa ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka , waxaana halkaasi ka dhacay tiro qaraxyo ah oo la sheegay in ay ku xirnaayeen ragii Shabaab katirsanaa ee manta dharaar cad weerar ku qaaday Xarunta Golaha Shacabka ay ilaaliyaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online Moqdisho-Somalia
Figradihiina