Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
17 janaayo ( Ceegaag)-Wararka naga soo gaaraya shirka magaalada Kismaayo mudada afarta maalin ah uga socday madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa soo wajahay caqabad hor leh, iyadoo ay isaga baxeen qaar ka mid ah madaxda Soomaalida.
Arrimaha ugu waaweyn ee la isku qabtay waxaa ka mid ah: qaabka ay u dhaceyso doorashada dalka ka dhaceysa dabayaaqada sanadkaan.
Ra’iisal Wsaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirka uu u hakaday arrimo farsamo dartood, isagoona caddeeyay in la isku qabtay qaar ka mid ah qodobadii lagu kala aragtida duwanaa.
“Dowladda Federaalka ayaa dib ka soo sheegeysa xilliga la qabanayo shirka wada tashiga Qaran iyo goobta lagu qabanayo” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in qaab farsamo lagu saaro khilaafka.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhoofay madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo K/Galbeed, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin kulankii maalmahaan u socday madaxda Soomaaliya.
Ceegaag.com
Figradihiina