Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah ciidamadii maanta ku dagaalamay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku dhintay, 10-qof oo shacab ay ku jiraanna way ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalku uu iskiis u joogsaday duhurnimadii maanta.
Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf dhinaca maamulka oo u dhexeeya maamulka degmada Dooloow oo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba iyo maamulka degmada Balad-xaawo oo iyaguna taageersan dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus uuna xooggiisu ka dhacay gudaha degmada Balad-xaawo, inkastoo aysan jirin cid si gaar ah xilligan gacanta ugu haysa degmadaas.
“Waxaan aragnay geerida saddex qof oo laba ka mid ah ay xirnaayeen dharka ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan arkay dhaawaca in ka badan toban qof oo ay shacab ku jireen,” ayuu yiri goobjooge Balad-xaawo ku sugan.
Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay oo kala wata magacyada Ahlusunna waljamaaca oo ka yimid degmada Doolow iyo kuwa dowladda Soomaaliya taageersan ay weli kuwada sugan yihiin gudaha degmada inkastoo aysan xilligan xabbadi socon.
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cali Kaliil oo isaguna warbaahinta qaar ka mid ah la hadlay ayaa dagaalka ku eedeeyay maamulka degmada Doolow, isagoo xusay in wixii khasaare ah ee dagaalkaas ka dhashay uu maamulku dusha u ridanayo.
Dadweynihii ku noolaa degmada Balad-xaawo ayaa saakay gabi ahaan degmada isaga baxay, kaddib markii la dareemay xiisado colaadeed, mana jiro weli hadal kasoo baxay dhinaca maamulka degmada Doolow oo lagu eedeeyay dagaalka in ay iyagu billaabeen.
Ciidamadii Itoobiya ee qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM oo degmadaas horay ugu sugnaa ayaa iyaguna saakay isaga baxay, mana jirto sabab la sheegay oo ay uga baxeen degmada, maadaama ay xiisad dagaal ka jirtay.
Ceegaag Online
Xafiiska wararkaKismaayo
Figradihiina