Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyihii Gobolka Mudug qaybta Puntland ee magaalada Gaalkacoyo ayaa maanta u geeryooday qarax ay soo maleegeen dhagarqabayaal la filayo inay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ee UGUS.
Alle Ha u naxariistee Axmed Muuse Nuur ayaa lagu weeraray saaka magaalada Gaalkacayo isaga oo hawl maalmeedkiisa gudanaya, qaraxa ayaa waxaa uu u eekaa mid laga soo buuxiyay Bajaaj taasoo u sahashay dhagar qabayaasha inay usoo dhawaadaan Gudoomiyaha maadaama ay shacab isu ee kee siiyeen.
Bishii Maarso ee tagtay ayaa waxaa isagana lagu dilay Caasimada Maamulka Punatland ee Garoowe Gudoomiyii Gobolka Nugaal Alle ha u naxariistee Cabdisalaan Gujir.
Bartilmaameesiga Madaxda Puntland ayaa u muuqata inay sahashay ka dib markii Maamulka Dani uu wiiqay ciidamadii PS’ta taasoo keentay in cadawga UGUS kusoo dhiiradaan bartilmaamaysiga madaxda Punatland.
Ceegaag.com
Figradihiina