Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Heesta ‘Cuyuuban’ ayaa ku qotonta Afsoomaali Culus oo murtideeda fasiraadeeda loo daayay dadwaynaha Soomaaliyeed looguna talo galay sanadka 2018, Waxaa heestan Curiyay laxankana Saaray Haykal Yare. Waxaana ku luuqeenaya Fanaanada wayn ee Siciido Shiino, midhaha heesta waxaa kamid ah Dhagayso
Ama Akhriso
Cuyuuban caashaqii galaa
Cub iyo ciilbuu dhalaa
Cayaayood isagoo ahaa
Ceedhiinka nin kaa ku cunay
Ciyaarta siduu ku helay
@@@@@@@
Halkaa cabashada ka timid
Codkayg kia caaganaa
Cajabi waayuhu dhigeen
Caashaqu waa caadadii
Xalay caleeye masarkii
Casharadii aan kuu dhigay
Waad ka caga jiidoow
Ciyowbaa ka ciyaayoow
@@@@@@@@
Caynaba ka biyo dhawr
Cayna ka biyo dhaw
Ciidana ka biyo dhawr
Cirkana ka biyo Dhaw.
Waxaa heestan si toos ah looga garaacidoonaa dabaaldega lixjirsinimada Maamulka Khaatumo State Of Somalia ee jaaliyadaha yurub horaanta bisha Janaayo sanadka 2018.
Ceegaag.com
Figradihiina