Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Socoda Mowjad Dilal ah oo Kaa dhan ah, Waxaa muuqata in Meelkasta oo aad Ka joogto Wadamadda uusan amaankoodu Hagaagsaneyn Lagugu dili karo, Waxaa muuqata In Cadawtinimadda ay kuuqabaan Waxmagaratadda Hubeysan ay sii kordheyso Maalinba Maalinta kadanbeysa, Waxaa Muuqata In la rabo in Caruurtada La agoontinimeeyo, Xaasaskaaga Lacarmaleeyo, Aduunyadana Lagaaqariyo, Waxaa Muuqata In aadan Garaneynin Cidda Rabta in ay Kudisho misna Lagudilaayo, Waxaa muuqata In dilkaagu Wax magaratadda U yahay Mid ay kufaanaan Magacna ay kuraadiyaan.
Xasuusnoow Haddii aad tahay Suxufi adiga Iyo Walaalaha kale ee Sida ba’an loodilay waad usimantihiin Waxmagaratadaasi Wariyayaasha Dila, Imisay Caruur agoon kadhigeen ? Imisey wariyayaal Dalka Ka cayriyeen, Imiseey Caruur agoontinimeeyeen? Imisey Wariye Handadeen? Imisey Kunecebyihiin? Waxaa socda Dagaal Balaaran oo adiga kaa dhan ah lana Rabo in adigoon Hub qaadan aad iska Caabiso.
Si (deed Isaga Caabineysaa ?
Marka Hore ogoow Naftaadda Iyo shaqaddaada Waxaa Muhiimsan NAFTAADA, sidaa Daraadeed Waxaa Yareyn kartaa Socodkaaga adiga oo misna Heli kara warkasta oo aad u baahantahay. TUSAALE ahaan , SUUQA XOOLAHA ayaa Warkaagalay , Halkii aad ka aadi lahayd Waxaad sameynkartaa Xidhiidho Taleefoonka ah Adiga oo jooga Xaruntaadda Warbaahineeed haddiiba ay kutaalo meel xoogaa amaan roon.
Waxaad ayreyn kartaa Booqashaddada haddi ay jiraan Saaxiibo ama Ehel meelo kala Dagan Iyaga ayaa kusooboqonkara ama Taleefoonka ayaad kuwada hadli kartaan.
Wax ceeb ah Malaha haddii inta wariyayaashu Isku tagaan meel ay Dalbadaan Gaari ay saaranyihiin Ilaalo Hubeysan si lamid ah sida ay sameeyaan Wariyayaasha Ajaanibta ah ee Dalka Taga, Balse waxaa laga fiicanyahay In wariyayaashu Isku qaataan Qoriga iyo qalinka labadaasi oo aan meel wadagalin.
INKASTOO QOFKII TIISU DHAMAATO aan lacelinkarin haddana Taxadarku waa Muhiim, inkastoo ay Tiisu gashay Wariyihii Udanbeeyay ee ladilo Marxuum C/raxmaan Maxamed Cali Haddii uusan Tagi lahayn Suuqa xoolaha Raga dilay isma arkeen … Sidaa Daraadeed wariye Feejignoow oo Laabata ka soco Markastana Ishaadu Ha dheeraato.
DADKA KUDILAYA WAA NOOCEE?
Dadka Kudilayaa waxay isugu Jiraan Noocyadda kala duwan Ee bulshadda, Dhalinyaro Hubeysan habba u badnaadeene, Waxay noqon karaan dad waaweeyn, Dumar, Dhalinyaro, Gawaari la bambeeyay, Xoolo, Ama Xayawaan, Waxay Ku labisnaan karaan dareyska Dowladda, Dareyska Iskuuladda, Dareyska Caadiga ah ee Dadwaynaha, iyo Dhar kasta oo Soomaalidu Kulabisto.
ILAAHEY HA KU DHOOWREE FEEJIGNOOW……
SII GUDBI FARIINTAAN HADDII AAD WAX KUDAREYSANA LA SOOXIRIIR EMAILKAAN SI AAN U SOODAABACNO
wariyaha.com@gmail.com ama daauus1@gmail.com
Figradihiina