Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Farmaajo “Ma ahan in dowladdu caburiso Saxaafada madaxa banaan”

October 4 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xarigii Ciidamada Ammaanka ay xireen Xafiiskii telefishinka Universal, Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka TV iyo Wariye Cawil Dahir salaad
Farmaajo oo wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa walaac ka muujiyay in 25-sano kadib dowladdu caburiso warbaahinta madaxa banaan, isagoo xusay in dowladda ay tahay mid dimoqraadi ah.
“Runtii waa arrin aad looga xumaado, inta la galo Xafiiskii Telefishinka Universal la xiro, waliba labada mas’uul ee Telefishinka ka tirsan ay labo cisho ay xiran yihiin, ma ahan in dowladdu caburiso warbaahinta”ayuu yiri Mr Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn dad xilligan loo xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in Madaxda dowladda ay iyagaba saxaafada adeegsadaan.
“Ma ahan in arrimo siyaasadeed dad loo xiro, wuxuuna dalka u horseedi karaa mugdi, Madaxweynaha laftigiisu Universal iyo Idaacadaha kale wuu u yeertaa si uu hadalkiisa ugu mariyo shacabka”ayuu mar kale yiri Farmaajo.
Habeen hore ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xireen Xafiiskii Telefishinka Universal ee Muqdisho, waxaana arrimaha lagu heysto Telefishinku la sheegay inay tahay dood ka baxday todobaadkii hore oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baralamaanka, waxaana ay sheegeen in dalku uu gacan shisheeye wali ku jiro.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply