Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fartaag oo dib ugu soo laabtay Kismaayo kana warbixiyay shirka dib u heshiisiinta

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo iyadoo ay si diiran garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweeynaha ayaa waxa uu ka warbixiyay shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in 16-ka bishan uu ka furmo magaalada Kismaayo, isagoo ugu baaqay bulshada reer Jubbaland in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanadooda.

Madaxweeynaha ayaa dhinaca kale sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan wufuud ka iman doonta gobolka Gedo, kuwaasoo ka qeybgeli doona shirweeynaha dib u heshiisiinta ee ka furmi doona Kismaayo.

Hooska dhageeyso Codka Madaxweeyne kuxigeenka oo dhameystiran.

Halkan ka dhageeyso Codka Madaxweeyne kuxigeenka

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply