Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Hub iyo Rasaas ugu geeyay Ciidamada Somaliland isaga oo Odoyadii reer Laascaanood ee lashirayna u sheegay inuu Hilib iyo Kiniiniyo u kala keenay Ciidamada Milatariga iyo Booliska ee xooga ku haysta Caasimada Maamulka Khaatumo ee Laascaanood.
Daawo Faysal oo hadal maldahan kula hadlaya shacabka Somaliland
Warar aanu ka helano ayaa xaqiijinaya in uu keenay Rasaasta Ka dhacda Qoryaha waawayn oo uu siiyay Milatariga isaga oo tan Aakayaasha siiyay ciidamada Booliska ee Laascaanood Haysta sida uu xaqiijinayo askari ka tirsan ciidamadaa oo aan qaybtoodii ka helin hubkaa uu Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa UCID ugu deeqeen askartooda ku jirta Jiidaha hore ee deegaanada Khaatumo.
Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo ka hadlaya Hubkaa ku kala tilmaamay Hilib oo uu ula jeeday HUB iyo Kiniiniyo oo uu ula jeeday RASAAS. Faysal ayaa markii uu ku noqday deegaanadiisa Burco dadka ugu qudbeeyay in dadka reer Somaliland ee Midnimada jecel ay awalba u soo halgamin dalka, balse ay xamar ka daawanayeen Halgankii SNM kala hor jeedeen dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Faysal ayaa isagu kusugnaa Magaalda Muqdisho wagaa ay SNM ka dagaalamasay Waqooyiga balse dadka uu la hadlayay oo aan waxba ka garanayn Taariikhdiisa ayaa Sacab ku taageeray Qudbadiisii.
Hubkii uu geeyay Faysal Laascaanood ayaa lagu gumaaday Shacabkii daawo wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo oo ka hadlaya arintaa. Dhinaca kale deegaanada Soomaalida ayaa looga dabaal degay maalinta nadaafada ee 18, may. Iyada oo ay ciidamada Khaatumona ay dagaal gaadmo ah ku qaadeen xalay fadhiisamaha Ciidamada Somaliland ee Taleex.
Ceegaag.com
Figradihiina