Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fursad Vs Fuuqsi ( Maqaal)

Waa war wanaagsan in qorshe mashruuc la hindiso kaasoo wax loogu qabanayo Bulshada Soomaliyeed ee dhibaataysan, in qorshahaasi shaqeeyo oo uu guulaysto waa halkeeda, soo bandhigidda Mashruuca Fursad ka dib waxaa soo baxday kala aragti duwanasho xaga fikirka ah, Dadka qaar baa judhiiba amaan kala dul dhacay oo u qaatay in qorshihiiba dhaboobey, qaarna markiiba waa ay dhaliileen oo waa ay ka hor yimaaadeen. La yaab malaha kala duwanashaha dhinaca fekerka oo waxan u nahay Bini’aadam oo wanaag xitaa hadii la keeno inaga oo Soomaali ah lagama yaabo in aan la isku raacno, calal aqal waxaa hubaal ah in su’aalo dadka tashwiish geliya laga keenayo mashruuc walba oo wanagiisa leh, lakiin waxaa wax lala yaabo ah jawabaha ka kala imanaya labada qaybood oo aad moodo iney dhaxalkii Aaabahood isku haystaan, waana tan maanta iga keentay inan qallinka qaato.
Waxba lays-kula ma harin!!!
Labada kooxood koox walba waxay wadaa dacaayad iyada u gaar ah oo ay ku dooneyso iney ku socodsiiso qorshaheeda. Waxaana dagaalka ugu darani uu ka socdaa Baraha Bulshada sida Facebook, Twitter IWM . Waxayna qola waliba soo gelinyaan qoraalo iyo muuqaalo ay is leeyihiin waad kaga guulaysan kartaan kooxda kale. Waxaa intaasi dheer koox walba waxay kuu sheegaysaa in kooxda kale guul daraysatay oo ay iyagu guulaysteen maadaama sida ay u arkaan iyagu ka saxsan yihiin kuwa kale.
Kooxda wadata Mashruuca Fursad iyo taageerayaashooda waxay ku doodayaan sida ku cad bandhiggooda iney dadka iyo dalka wax u qabanayaan, halka kuwa diidan ay ka didsan yihiin qaar ka mid ah xubnaha muuqda iyo kuwa qarsoon ee mashruuca, waxayna daliil ka dhiganayaan guul darooyin hore u soo wajahay mashaariic ay ka tirsanaayeen. Ka sokow sida xaalku noqon doono oo aynaan ogayn, waxaad mooda iney ka hor dhaceen kooxda diidan sabab walba ha adeegsdane, laakiin waxaan hubaa in waqtigu go’aamin doono natiitada dhab ah ee mashruucani.
Handadad iyo Cagajuglayn.
Intii aan ku guda jirey sirta ku qarsoon ee ka danbaysa taageeridda iyo mucaradnimada mashruucani waxaan ogaadey iney jiraan hanjabaad iyo Cagajuglayn aan caadi ahayn oo ay is dhaafsadeen labada kooxood. Tusaale: kooxda fursad waxaa lagu eedaynayaa iney dacwado ka gudbiyeen dadka mucaraadsan mashruucooda ayna u gudbiyeen madaxda ay u shaqeeyaan kuwa iyaga ka soo horjeeda taasoo keeni karta iney loo shaqeeyashu qataan go’aano aan la ogayn waxay noqon doonaan, kooxda kale ee mucaardka oo la baxay magaca Fuuqsi iyagana waxaa lagu eedaynayaa iney si toos ah ula xiriireen shaqsiyaad badan oo taageersan mashruuca Fursad si ay u bedelaan fikirkooda amaba ay dhex dhexaad ka noqdaan oo aanay marnaba taageerin mashruucani iyo dadka hor boodaya.
Talo soo jeedin:
Kooxda Fursad waxa laga rabey inta aanay mashruucani shaacin iney sameeyaan la tashiyo fara badan markay ogaadaan tirada dadka ay haystaan ama tageersan iney soo bandhigaan hinisahooda. Kooxda Fuuqsi waxaa la gudboonaa iney ka war sugaaan wadada ay saaxibadood qaadaan iyo sida ay wax yeelan ee aaney durba mucaardin. maadaama mucaaradnimadu halka aan maanta joogno ina dhigtay, gebagebadii Waxaan soo jeedinayaa in la wada hadlo oo tanaasul yimaado si dhammaan loo wada guulaysto oo aan bulshada tabarta daran la jahwareerin maadaama ay hore uga daaleen siyaasado is diidan oo la dhadhamiyey cawaaqibkooda.
W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle
E-mail. Naasirx1@gmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply