Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Galmudug baanala yiraahdaa si lamafilaana ayaan isugu nimid ee madaxwayne Cabdik-ariin hanakala dirin ee wax qabad la’aanta nala

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado ayaa xalay kulan ay yeesheen waxay uga hadleen dhibaatooyinka maamulka Galmudug uu ku soo kordhiyay gobolada uu sheegto inuu ka taliyo, iyadoo siyaabo kala duwan uga hadlay waxqabad la’aanta maamulka Galmudug iyo arrimo kale.

Waxaa isa soo taraya dhaliilaha iyo waxqabad la’aanta maamulka Dowladda federaalka taageerto ee Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay C/Kariim Xuseen Guuleed, iyadoo dhowaan magaalada Cadaado oo maamulkiisa u ah xarun KMG ah ay ka dhaceen falal amni darro.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado ayaa xalay kulan ay yeesheen waxay uga hadleen dhibaatooyinka maamulka Galmudug uu ku soo kordhiyay gobolada uu sheegto inuu ka taliyo, iyadoo siyaabo kala duwan uga hadlay waxqabad la’aanta maamulka Galmudug iyo arrimo kale.

“Dad Arsenal la yiraahdo ayaan iska ilaalin jirnay, hadda qaab aan isaga waardiyeyno ma naqaano” ayuu yiri C/Fataax Salaad Jaamac oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay, isagoona sheegay in degaanadaan ay ahaayeen kuwo nabad ah isla markaana dadkiisu mideysnaayeen.

Waxaa kale oo uu C/Fataax sheegay in nasiib darrada heysata maamulka Galmudug ay ka mid tahay agaasimeyaal suuqa wareegaya iyagoo dharkoodu jeex jeexan yahay, taasi oo muujineysa duruufaha aadka u liita oo maamulka Galmudug dhex mushaaxayo.

Sidoo kale Farxiya Ciise oo ka mid ah haweenka magaalada Cadaado ayaa runta u sheegtay Madaxweyne C/Kariim Guuleed, iyadoona tilmaamtay in maamulkiisu aanu weli ku guuleysan inuu isu furo gobolada uu ka taliyo.

“Madaxweyne waxaan diidanahay dowladaan aad bac qafiifta ku siddo” ayay tiri Farxiya Ciise oo sheegtay in meesha aanu oolin maamul taageero ka heli karaya bulshadiisa, bacdamaa ilaaladiisa ay dhibaatooyin ka geysanayaan goobaha ay bulshada ku badan tahay.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply