Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Buuhoodle Waxaa Galabta Goor gaaban soo gaadhay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ah Garaadka Beesha Guuleed Garaad (Barkad) Waxaana Garaadka safarkiisa ku Wehelinayo ugu yaraan 15 Xubnood oo isagu Jira Cuqaal iyo Waxgarad kale Waftigani ayaana degay Hotel kuyaala Magaalada Buuhoodle.
Ujeeda safarka Waftigani ayaa Waxaa uu la Xiriiraa sidii kulamo ula Qaadan lahaayeen Beelaha degan Gobolka Cayn gaar ahaan Waxgaradka Beesha Cali Axmed oo ay ka Wada hadlayaan Xaalada deegaanka Cusub ee Labada Beeleed waa Cali Axmed iyo Guuleed Garaad ku Muran san yihiin dhinaca deegaamaynta deegaankaasi oo lagu Magacaabo Geed xamarka.
Imaanshaha garaad Abshir iyo waxgaradka beesha Barkad ayaa Waxaa uu ka danbeeyey kadib Markii Beesha Guuleed Garaad Go,aamo ka soo saareen Deegaanka Balicad go’aamadaasi oo ku aadanaa in Beeshu ka saluug san tahay deegaamaynta Cusub ee Beesha Cali Axmed ay ka Wadaan, deegaankaasi Geed Xamarkuna yahay Dhul daaqsimeed isla Markaana aan laga Dhigi kari magaalo.
Waxaa Lagu Wadaa inay Maalinta Barito ah Hadii ilaahay idmo ay Buuhoodle ka furmaan Wadahadaladan ku aadan Xalinta khilaafka deegaankaasi Qaabkii loo soo afjari lahaa isla Markaana Xaalada Cagta loo Dhigi lahaa.
Cali Dhagjar
Figradihiina