Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Inaalilaahi wainaa ilayho raajicuun: Garaadkii ugu Quraan xaafid sanaa Garaadada Dhulbahante Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa hada ku geeryooday magaalada Buuhoodle. Garaadkan ayaanu uga markhaati kacanaa inuu ahaa shaqsi daacad u ah umada, waxaanu uga markhaati kacanaa in aydadku ka nabadgaleen afkiisa iyo adinkiisa. Waxaanu uga markhaati kacanaa inay dadku isugu mid ahaayeen, maanu arag maqalna cidka eed sheeganasa, waxa uu ahaa shaqsi ku samra waxii ilaahay ku keeno, waxaanuna u rajaynanaa Janadii Fardowso.
Dhamaan Maamulka Shabakadan oo kula Sugan Muqdisho, Kismaayo, Boston USA, iyo Edmonton Canada. waxaa nu tacsi u diranaaqoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuun Garaad C/laahi Garaad Soofe, waxaa nu tacsi taalamida udiranaa Golaha dhaqanka maamulka Khaatumo, Maamulka, iyo shacabka reer Khaatumo. sidoo kalena waxaanu si khaasa ugu tacsiyadeenanaa reer Buuhoodle oo uu garaadku u ahaa barta Tusbaxu ka guntanyahay oo kale.
Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay maamulka magalada Ceegaag iyagaoo u tacsiyadeenaya qoyska iyo qaraabada Marxuum Garaad C/laahi Garaad Soofe, sidoo kale Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdi riigle oo ku hadlaya magaca reer Xaaji cali ayaa garaadka qoyskiisa iyo qaraabadiisa Tacsi u diraya isaga oo kuleh Samir iyo imaan ilaahay ha inaga wada siiyo isgana Janadii Fardowso hageeyo, qabrigiisa ilaahay ha waasiciyo AAMMIINN, AAMMIINN,AAMMIINN,AAMMIINN,
Ceegaag.com
Figradihiina