Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier, iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
General Indhoqarshe oo ka qeybgalay shir ay taliyaasha ciidamada Afrika ku yeesheen magaalada Gaborone ee dalka Botswana ayaa waxa ay taliyaha ciidamada Afrika ee dowlada Maraykanka General Cloutier ay sidoo kale isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono.
Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay gacanta ku haysaa tababarka iyo weliba dhaqaalaha ku baxa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.
Dhinaa kale Taliye Indhoqarshe ayaa ka warbixiyay shirka ay taliyaasha ciidamada Afrika ku yeesheen magaalada Gaborone iyadoo shirka ay ka soo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.
“Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Taliyaha Ciidanka ayaa tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka.
Figradihiina