Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Roobab xooggan oo maalmihii ugu danbeeyay ka da’ayay magaalada Kismaayo ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Roobabkan ayaa waxay sababeen burbur soo gaaray qaar ka mid ah guryo ay dagenaayeen dad danyar ah, waxaana sidoo kale ay daadad galeen xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha, kuwaasoo markii hore daganaa guryo ka sameysan cooshado.
Qaar ka mid ah kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ayaa gabi ahaantood waxa galay biyo daad ah, iyadoo ay xaalad adag lasoo darastay dadka danyarta ah ee ku noolaa halkaasi.
Ururka haweenka degmada Kismaayo oo ay Horkacaysay Gudoomisada Haweenka ee dagmada kismaayo Barey Gadhweyne ayaa maanta deeq a gaarsiyay dadkaas, taaso ka koobnayd bacaha la saarto guryaha, haseyeeshee baahida dadkani ayaa ah mid intaa ka ballaaran.
Dadkan ayaa u baahan in si degdeg ah loogu soo gurmado, maadaama aysan heysan hooy, goobihii ay deganaayeenna ay dhex ceygaagaan biyaha roobka.
Maxamed Ibraahim oo kamid ah horjoogeyaasha mid kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaal magaalada Kismaayo ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka, dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo wax u awoodo inay lasoo gaarto kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina