Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigay’’ ayaa yidhi ‘’Qofka dhagar-qabaha ah haddii uu wax dilo wuuxu haysan jiray meel Gaabad ah,oo uu u cararo, sidii dhacdadii dhowaan dhacday gacan ku dhiiglayaashii markiiba waxay u baxsadeen Galmudug, laakiin waxaa taas looga gudbay markii labada maamul iyo labada Shacabba ay isku waafaqeen innaan Cadowgu isku qarin’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigay’’ ayaa sheegay in Gaalkacyo ay tahay magaalada kaliya ee Soomaaliya oo u qaybsan laba maamul, arrintaas oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay amaanka. Mudane Tigay ayaa sheegay in Dowlada Puntland iyo maamul Goboleedka Galmudug ay iska kaashanayaan illaalinta amaanka Gaalkacyo.
Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigay’’ Mar uu Faahfaahin ka bixinayay Ciidamada Dowlada Puntland ay u dirayso Gaalkacyo ayaa wuxuu yiri ‘’Cutubyada Ciidamada kuwa ugu adag ayaa 24-saac ku imanaya, Ciidamada Birmadka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Daraawiishta iyo Ciidanka badda,Xuduuda Galdogob iyo illaa Xeebta Garacadna waa laga hawlgali doonaa’’.
Maxamed Yuusuf ayaa hoosta ka xariiqay in Gaalkacyo uusan joogayn qof aan la aqoon ujeedada rasmiga ah ee uu u joogo, waxaana uu xusay in isbadal muuqda oo dhinaca amniga ah laga dareemi doono Gaalkacyo.
‘’Gobolkaan Xuduudiisu wuxuu noqon doonaa mid adag oo meel walba ay ciidamo joogaan, meel walba ay Ciidamo ka hwlgalayaan, waxaan rajaynayaa dadka laftooda in talo iyo tusaale ay ka dhiibtaan, Waxaa iswaydiin mudan Gaalkacyo wiilkaan yare ee 16-sano jir ah hadda la qabtay ee Xamar ka yimi, muxuu boqolaal qof Liiskooda u wattaa, oo intaa uu u doonayaa inuu dilo, War ma ciidan la’aan baa inoo leh oo Ciidan baynu haysan, ma Hub la’aan baa inoo leh oo Hub baynu haysan, ma dagaal aqoon la’aan baa inoo leh, oo habka dadka la isaga dhiciyo baynaan aqoon, ma dhaqaalo daro ayaa ina haysa oo dhaqaalo aan Cadowga isaga dhicino ayaynan haysan, waxay taasi ahayd talo xumo, talo xumadiina waa laga gudbay’’.
Gaalkacayo ayaa u muuqata mid badbaadasa inta Tigay Amaankeeda Gacanta ku hayo maadaama uu yahay nin aan ka warwareegin ladagaalanka Amaandarada shacabka uu madaxda u yahay.
Ceegaag.com
Figradihiina