Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 7 (Ceegaag)— Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in aysan marnaba ka qeyb geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo maanta uu ku yimid dib u dhac.
Xildhibaan Goodax ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu baal maray sharciga, isla markaana uu adeegsnayo awood uusan laheyn.
“Shirka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku baaqay kama qeyb galeyno, dabcan waxay ku saleysan tahay in la aqbalo, hadaan dhahay dhinaca Xildhibaanada ee keenay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha waa diidnay, waxaana ku sababeynay in Guddoomiyaha uusan xaq u laheyn in mooshinka uu soo afjaro”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.
Mr Goodax ayaa sheegay in Mooshinka uu ku soo afjarmi karo labo arrin kaliya oo kala ah in Maxkamad awood u leh loo gudbiyo iyo in Maxkamadda ay mooshinka diido ama in Maxkamadda inta ay u soo gudbiso Baarlamaanka oo codkii loo waayo.
“Mooshinka waxaa uu ku soo afjarmi karaa labo arrin in maxkamadda awoodda u leh loo gudbiyo, maxkamadda ay tiraahdo mooshinkaan sal ma lahan, iyo in maxkamadda ay intay soo gudbiso baarlamaanka kusoo celiso, baarlamaanka markaas loo waayo codkii, Saddax Dalool Laba loo waayo, Labadaas kaliya ayuu ku afjarmi karaa ee Gudoomiyaha marnaka awoodaas malahan, meesha uu ka keenay isaga ayaa yaqaano”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.
Waxaa uu sheegay in Mooshinka ay rajeynayaan inuu ku dambeyn doono Maxkamad, maadaama uu tilmaamay in hantida umadda Soomaaliyeed la lunsaday, taasoo uu xusay in xataa hadii Madaxweynaha uu xilka ka dego ay daba soconeyso.
“Mooshinkaan waxa uu ku dambeyn doonaa maxakamad, hantida umadda Soomaaliyeed ee la lunsaday waa qaan aan hareyn, xitaa hadii uu madaxweyne-nimada ka dego waan daba soconeynaa, umadda Soomaaliyeed inta la dhacdo, la’iskala tago waqtigeeda wuu soo dhamaaday”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Xildhibaan Goodax.
Kulankii looga xaajoon lahaa mooshinka laga keenay Madaxweynaha ayaa maanta dib u dhac ku yimid, iyadoo uu u baaqday maqnaashaha Ra’iisul Wasaaraha oo la sheegay inuu qeyb muhiim ah ka yahay wada hadalada, waxaana lagu balamay 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina