Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 27 (Ceegaag)—Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar uu ku tagay dalka Ingiriiska ayaa ku booqday isbitaalada magaalada Muqdisho dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Baarka Xeebta Liido ee Degmada C/Casiis.
Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhaawacyada uu kormeeray waxa ay ahaayeen kuwii ku jirey isbitaalada Keysaney iyo isbitaal Madiina waxana uu gaarsiiyay lacag uu ugu tala galay in lagu baxnaaniyo dadkaasi.
Booqashada kadib ayuu gudoomiyaha gobolka Banaadir booqday xeebta Liido isagoo halkaas kaga dhageystay saraakiisha amaanka ee gobolka iyo maamulka degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay sii wadayaan shaqada iyo hormarinta gobolka Banaadir, isla markaana aysan u hakin doonin weerarada al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho ayna ku dadaali doonaan sidii loogaga hortagi lahaa weeraradan qorsheysan.
Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa dabley hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen baar ku yaal xeebta Liido halkaa oo ay ku dhinteen dad ka badan labaatan ruux tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.
Ceegaag.com
Figradihiina