Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho ku jooga Magaalda London

Janaayo 21 (Ceegaag)— Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Duqa magaalada Muqdisho Mr Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Aqalka dowlada hoose ee London (London City Hall).
Guddoomiyaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan albaabada u xiran yihiin la qaateen Kuxigeenka duqa magaalada London Roger Evans oo ah Ku simaha Duqa Magaalada London, iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka magaalada London.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshe lagu mantaaneeynaayo labada magaaalo ee London iyo Muqdisho iyo sidii la iskaga kaashan lahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhinacyada amniga, iyo in magaalada Muqdisho laga kaalmeeyo kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaan ka u ah in Muqdisho aay isku filnaan dhanwalba ah gaarto.
Mr Roger Evans iyo maamulkiisuba waxa aay muujiyeen sida aay diyaarka ugu yihiin waxwada qabsiga iyo iskashiga labada dhinacba iyo gacansiinta Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmay saraakiil sar sare ooo ka tirsan booliska wadanka ingiriiska, si la iskaga kaashado aamniga iyo in la kobciyo xirfada booliska Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah, waxayna ka wada hadleen howlaha iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Maamulka Gobolka Banaadir
Wasaaradahan ayuu Wasiirku warbixin guud ka siiyeen Duqa magaalada Muqdisho howlaha 2016 ay ka saacidayaan maamamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa uu ka warbixiyay istaartiijiyada maamulkiisa cusub ugu tala galay sanadka 2016 inuu ku maareeyo arrimaha sugida amniga, horumarinta adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Muqdisho iyo baahinta Maamulkiisa.
Ugu dambeyn kulamadan is daba jooga ah waxaa ka soo baxay is afgarad iyo iskaashi labada dhinac dhex mara.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply