Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ardayda lahadlayay xili ay ku gudi jireen imtixaankii u dambeeyay ayaa yiri
“Jaamacadda Muqdisho waxaa loo abuuray ama loo aasaasay sidii ay usoo saari lahayd hogaamiye dhab ah oo aan bulshada Soomaaliyeed aan ku samaynin qiyaano, xatooyo xoolaha dadwaynaha”. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kula dardaaramay inay isku kalsoonaadaan ayna iska ilaaliyaan qishka iyo waxii lamid ah.
“waxaan ku kalsoonahay manhajka jaamacadda u dagsan inuu yahay mid dhamaystiran oo dhan walbaba laga eegay hadii aad ku dartaan dadaalkina waxaan ku kalsoonahay inaad guulaysan doontaan,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Cali Sheekh Axmed.
Waxaa kale uu hadalkiisa sii raaciyay oo uu amaan iyo bogaadin u jeediyay maamulka, macalimiinta, iyo shaqaalaha jaamacadda oo muujiyay howl karnimo ay ku dheehantahay daacadnimo.
Wuxuuna u rajeeyay dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda iyo shqaalahaba guul iyo hormar.
Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee dagaaladii sokeeye kadib dalka laga aasaaso oo soo saartay arday wax badan u taray shacbigooda Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Figradihiina