Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mudane Ceydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa uu magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu kulamo kala duwan kula yeeshay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya Mr. Willy Mantunga, Sarakiil ka socotay Qaramada Midoway iyo kuwa ka socday UK.
Ugu horeen waxay ay ka wada halayn Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya qodobadan tababarka iyo dib udhiska Garsoorka, sidoo kale iska kaashiga Danbiyada Caalamiga ah iyo kuwa Heerka Gobol (Burcad Badeedda, Isdaba marinta Lacagaha iyo Argagixisada).
Labada Dowladood Oo isaga mid ah madaxbanaanida Garsoorka ayaa waxa ay iskaashi buuxda ka sameyn doonaan sida loo wajahayo danbiyada lidiga ku ah wadamada geeska Afrika oo ay ugu horeyso la dagaallanka argagaxisada.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa waxa uu kulamo kula qaatay Dalka Kenya.Hay’ado ka socda Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin UNDP, IDLO, iyo Saraakiil ka socda safaarada Britain, iyadoo kulamadaasi lagaga hadlay qodobadan hoos ku xusan.
1. Dib u dhiska Maxkamaddaha Dalka.
2. Tababarka iyo Tayeynta aqoonta Garsoorayaasha dalka.
3. Iyo in la joogteeyo Tababarada Garsoorka.
Figradihiina