Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Ergay cusub u soo Magacowday Arrimaha Somalia iyo AMISOM

Oktoobar 08, 2015 (Ceegaag) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.
Ergaygan cusub ayaa bedeli doona ergaygii hore ee Midowga Afrika ee arrimaha Somalia iyo howlgalka AMISOM danjire Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger, kaasoo la sheegay in howshiisii Somalia ay dhammaatay.
Danjire Madeira ayaa tan iyo sannadkii 2010-kii ka shaqeynayay ururka Midowga Afrika, isagoo ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee isku-xirka ka hortaga argagaxisada, musuq-maasuqa iyo agaasimaha xarunta Afrika ee magaalada Al-jersi ee daraasaadka iyo cilmi-baarista arrimaha argagaxisada oo loosoo gaabiyo [ACSRT].
Sidoo kale, Francisco Madeira ayaa soo noqday danjiraha Mozambique waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika intii u dhexeysay 1984-kii – 1989-kii iyo la-taliyaha madaxweynihii dalka Mozambique.
Wakiilku wuxuu kaloo ka mid noqday xubnihii ka qayb-qaatay wadahadalladii ka dhacay Roma ee RENAMO oo lagu saxiixay heshiiskii nabaadeed ee dalkiisa Mozambique bishii Ogoosto 1992-kii. Wuxuuna sidoo kale kasoo qabtay dalkiisa xilal wasiirnimo kuwaasoo ay ka mid yihiin, wasiirka xiriirka xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka waddankiisa. Isagoo intii u dhexeysay 2000 illaa 2010-kii soo noqday wasiirka xafiiska wasiirka xafiiska madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.
Danjire Francisco ayaa wuxuu kaloo ka qaybgalay dhowr geedi-socod nabadeed ee Afrika, isagoo ahaa ergaygii gaarka ah ee dowladda Mozambique ee gobolka harooyinka waaeyn. Wuxuu xubin ka ahaa heshiiskii dhexdhexaadinta ee wadanka Burundi, isagoo soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Qaranka Mozambique intii u u dhexeysay Jan, 2005-kii illaa Jan, 2010-kii.
Magacaabidda ergaygan cusub ee Midowga Afrika u qaabilsanaan doona arrimaha Somalia ayaa kusoo beegmaysa iyadoo lagu wado in ay Somalia ka dhacdo doorasho sannadka soo socda ee 2016-ka; taasoo howsheedu ay hadda socoto.
Dhanka kale, danjiraha cusub ayay howshiidu noqon doontaa inuu wada-shaqeyn dhow la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu si dhow ula shaqeyn doonaan urur-goboleedka IGAD, xafiiska QM ee Somalia [UNSOM], Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhammaantood kaalin ku leh howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM].
Guddoomiyaha guddiga guud ee Ururka Midowga Afrika, Dlamini-Zuma ayaa uga mahad-celisay ergaygii hore danjire, Maman S. Sidikou howshii wanaagsanayd ee uu qabtay intii uu xilka haya, kuwaasoo ay ka xustay horumarrada dhanka la-dagaallanka Al-shabaab iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Somalia, iyadoo ugu baaqday ergayga cusub ee Midowga Afrika inuu la yimaado hawl-karnimo uuna howsha kasii wado halka uu keenay danjire Sidikou.
Ugu dambeyn, danjire Francisco Madeira ayaa ku dhashay 04-tii Abriil, 1954, magaalada Beira ee dalka Mozambique . Isagoo haysta shahaado Diploma ah oo xiriirka calaamiga ah oo uu ka qaatay xarunta xiriirka caalamiga ah ee magaalada Dar-es-Salaam ee Tanzania & shahaado sare oo uu ka qaatay jaamacadda sharciga ee magaalada Maputo ee xarunta dalka Mozambique.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply