Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 22 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in jiritaanka dowladda hada jirta uu u haray Hal sano iyo bil kaliya, isagoo cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo nooleyneyso hey’adihii dowliga ee dalku lahaa.
Mr Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee lagu hor-dhaariyay Guddiyada xuduudaha iyo Federaalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siin doonyo baahinta nidaamka dowladnimo oo qeyb ka ah balan qaadyadii ay horay dowladda federaalka ay sameysay.
“Dib u soo nooleynta dhamaan hay’adihii dowladda ee dhanka fulinta, axdigii aan Alle hortiis ku wada galnay bilowgii madashii sagaalaad, waxaa ka mid ahaa in aan xoogga saari doono dib u soo nooleynta dhamaan hay’adihii dowladda ee awoodda fulinta u lahayd adeega bulshada, waxaan idin xusuusinayaa in aanu qaadanay nidaam dowladeedka federaaliga ah, oo awoodda fulinta ay u qeyb santahay heer dowlad dhexe oo federaal ah iyo heer dowlad goboleedyo”ayuu yiri Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa dhaliilay Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, kuwaasoo uu xusay in Wasaaradda Caafimaadka oo kale aysan gacanta ku heyn Isbitaal dowladda leedahay oo dadka si lacag la’aan ah loogu daweeyo, sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayuu isna sheegay in aanay Iskuul gacanta ku heyn, oo dadka si lacag la’aan ah wax loogu baro, waxaana dhamaan adeegyadaas ku tilmaamay kuwo aas aasi u ah shacabka.
“Sanad iyo bil kaliya ayaa inoo haray, waxaa lama huraan ah inaan is weydiino maxaa dalkeena u qabsoomay dhanka horumarinta Hey’addaha dowladda, waxay ila tahay in aan arrimahan u kala qaadno, xaaladda adeegyada bulshada ee ay hayaan hadda hay’adaha fulinta ee hadda noo dhisan, federaaleynta in dalka loo dhameystiro, iyo in aan eegno hay’adaha kale ee loo baahan yahay in aan dhisno”ayuu yiri Prof. Jawaari.
Ugu dambeyn Guddoomiye Jawaari ayaa rajo ka muujiyay in sanadka 2016 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, waxaana hadaladiisa laga dhadhansan karayay in aan muddo kororsi jiri doonin.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina