Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 26(Ceegaag)–Gudoomiyihii hore iyo Duqii Magaalada Muqdisho Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa su’aalo kulul weydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus oo marti ku ahaa Mac-hadka UK ee arrimaha caalamiga lagu falanqeeyo, Chatham House magaalada London. Shirkaas oo shalay dhacay wuxuu Mudane Tarsan wasiirka weydiiyay su’aalaha soo socda:
Wasiirka waxaan weydiiyey labo su’aal oo aan u arkay inay muhiim tahay.
Wasiir Ethiopia ma aqoonsantahay qaranimada Somaaliyeed( sovereignty of Somalia) iyo sugnaanta dhulkeeda( Territorial Integrity of Somalia)
Wasiirku isaga oon leexleexan ayuu ku jawaabey “Haa waan aqoonsanahay” markaas ayuu hadalo badan daba dhigey, waxaa ka mid ahaa in uu dhahay “Anagu hadaan Ethiopia nahay waxaan caawineynaa Somaliya in ay lugaheeda isku taagto, ciidankeenu wuxuu la dagaalamayaa Al Shabaab waxaana ku nimid Somaaliya dalab nooga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh.
Inta badan Somaalidu waxay rumeysan tahay in Ethiopia dabada ka riixeyso in Somaaliya ay ka hirgalaan nidaam federaal ah oo qabaa’il ku dhisan oo ay Somaaliya cad cad u goo’godo (Balkanization) maxaad ka leedahay arintaas?
Wasiirku wuxuu yiri: “Anagu wax gaar ah oo dhibaato ugu geysaneyno Somaaliya ma jirto. Madaxda Somaaliyeed ayada ayaa noo timaada oo naga codsata in aan soo dhexgalno oo aan heshiisiino. Waa annagii heshiisiinay dowlada federalka iyo Madaxweynaha Jubaland. Anagu waxaan ku caawineynaa waxa dadka Somaaliyeed rabaan, waxaan ogsoonahay in madaxweynihii hore ee Puntland uu markasta ku faani jirey in Puntland ay tahay (Aabihii Federaalka) Hadii Somaalidu sameysato nidaam federaal ah waa wax ayaga u yaal.
Waxaa mar dambe su’aal weydiiyey nin Soomaali ah laakiin markaas sheegtey in uu Somaliland yahay, wuxuu weydiiyey siyaasadda Ethiopia ee ku aadan Somaliland iyo wada shaqeyntooda ku aadan la dagaalanka argagixisada iyo dhowrista labada xuduud?
Wasiirku wuxuu bixiyey jawaab aad u gaaban wuxuu yiri” Siyaasadeenu waa caddahay waa midnimada iyo qaranimada Somaaliyeed, wixii ka soo hara waa inay Somaalidu ka wadahadashaa waana wax ka dhexeeya Somaalida
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina