Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
June 22 (Ceegag)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saaka gaaray degmada cadaado si,uu goob joog ugu noqdo dhaarinta xildhibaanada gal mudug state.
Guddoomiye Jawaari ayaa khudbad ka jeedin doono xaflada dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, isla markaana uu siiyo talooyin ku aadan waajibaadkooda.
Dhaarinta Xildhibaanada kadib ayaa Baarlamaanka Galmudug waxaa uu yeelan doonaa Shir guddoon KMG ah, inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, waxaana shirka guddoomin doona ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka socday Cadaado howlaha dhameystirka Maamul dhisida Gobollada Dhexe, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku howlaneyd howsha ugu badan ee dhameystirka maamulkan, iyadoo dhowaan la soo saaray liiska Xildhibaanada.
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la filayaa in la qabto labo todobaad gudahood, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Figradihiina