Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo ka dhawaajiyay inay halis ku jirto midnimada Soomaaliyeed.

Oktobar 27(Ceegaag)–AVV. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Dalka oo uu isaga kamid yahay, wuxuuna sheegay in aan sidii loogu tala galay looga qeyb galinin Taladda Dalka.
Ilka Xanaf wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Taladda Dalka laga qeyb galiyo dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana wuxuu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.
Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee Dalka ayaa sidoo kale sheegay Hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda Deeganadda uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, islamarkana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.
Xildhibaanno iyo Mas’uuiliyiin Xilal ka haya Dowladda Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya ayaana la dhicin qaabka aan looga qeyb galini shirkii Madasha Wada tashi Qaran oo Todobaadkii Tagay lagu qabtay Muqdisho.
Dhanka kale warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkaasina waxaa ka qeyb ahaa In laga qeyb galiyo shaqsiyaad ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Dalka.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply